Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay gabadha NISA ka tirsaneyd ee Ikraan Tahliil ayaa ku gacan seyrtay warka kasoo baxay xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Milateriga.
“Nimankii gabadheyga dhibaateeyay ayaa la leeyahay wax bay baareen.. Farmaajo iyo kuwii gabadheyda shirqoolay wax ay soo dhoodhoobeen waaye.. waxba kama jiraan.. ninka galabta dhawaaqay waa Nin ay Farmaajo iyo Fahad usoo dhiiibteen, mana aha ninka dacwadeyda aan u gudbiyey..” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.
Waxay ku celcelisay inaysan kiiska Ikraan aysan baari karin kuwii lagu tuhmay ee ka danbeeyay. “War cadaalad ma jirto… dhibaatadda heysata Soomaaliya waa cadaalad darro.. waa meel la isugu xoog sheegto, Illaahey xooggiisa ha tuso..” ayey si caro leh u tiri Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo diiday natiijada hordhaca ah ee uu soo saaray Xeer ilaalinta maxkamadda milatariga Soomaaliya C/llaahi Kameey.
Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa horey u sheegay in gabadhoodu ay ku maqan tahay hay’adda nabasdugidda ee NISA, waxayna sheegeen inay doonayana inay caddaalad helaan.
