Friday, March 28, 2025

Madaafiic lagu weerarray Saldhig Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraaq & Xisbulah oo Digniin soo saaray..

Wararka laga helayo dalka Ciraaq ayaa sheegaya in Gantaallo ay ku dhaceen agagaarka xarunta safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad iyo Saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin waqooyiga magaalada Baqdaad.

Ilaa saddex gantaal ahaa ku dhacay agagaarka Safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad, iyadoo gantaal ku dhacay afar geesoodka madaxtooyada oo u dhow safaaradda ay ku dhaawacmeen 4 qof, waxaa sidoo kale gantaallo kale lagu weerarrayn Saldhigga ciidamada cirka ee Balad oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Baqdaad lagu riday, kaasoo xarun u ah ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku sugan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaafiicda ku dhacday saldhigga Balad ee ciidamada Cirka Mareykanka degan yihiin. waxaana saldhigga uu yahay midka ugu weyn ee Ciraaq iyadoo ay sidoo kale ku sugan yihiin diyaaradaha dagaalka ee Ciraaq ka iibsatay Mareykanka.

Ad

Dhinaca kale ururka Xisbullaah ee dalka Ciraaq ayaa digniin soo saaray, isagoo saraakiisha iyo ciidamada dalkaasi uga digay inay ka fogaadaan saldhigyada Mareykanka, kana fogaadaan ugu yaraan 1 KM, laga bilaabo Axadda 5 Janaayo.

Sidoo kale waxaa goor dhoweyd lasoo weriyey in madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weerarray dhismaha Madaxtooyada magaalada Mowsil, halkaasoo ay degan yihiin ciidamo Mareykan ah.

العراق.. انفجار قرب السفارة الأمريكية وسط بغداد
العراق.. انفجار قرب السفارة الأمريكية وسط بغداد
العراق.. انفجار قرب السفارة الأمريكية وسط بغداد

LA SOCO WIXII KASOO KORDHA…

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON