Tuesday, September 10, 2024

Hoobiyeyaal Alshabaab ku weerartay Xalane oo dhimasho sababay iyo Q/Midoobay…

Askari ka mida ilaalada Xarunta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku dhintay Weerar Hoobiyeyaal ah oo xalay Alshabaab ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. 

Xafiiska Qaramada Midoobe ee  Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dhacdadan, waxayna si kulul u cambaareysay weerarka Hoobiyaha ee lagu soo qaaday, waxayna xaqiijiyeen inuu  ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobe.

Ad

War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay xalay kusoo dhaceen aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobe uu ku dhex-yaallo.

“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

- Advertisement -

Ka sokow dhimashada weerarka ayaa sidoo kale gaystay waxyeello soo gaartay kaabayaasha Qaramada Midoobe.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in kooxda ay fulisay weerarka lagu qaaday Xalane, waana weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee dhowaanahan Alshabaab ku qaado xarunta Xalane .

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON