Golaha Dhexe ee dhowaan ay dhisatay Beesha SSC ee Khaatumo ayaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku doortaya guddoomiyaha golaha fulinta maamulkaas.
Ad
Waxaa xilkaasi ku tartamey labada musharax ee kala ah Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Maxamed Ismaaciil Bulaale, waxaana Golaha SSC oo ka kooban 45 xubnood uu Guddoomiye u doortay Jaamac Yaasiin.
Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee SSC ayaa soo dhisi doona xukuumadda SSC oo hadda u muuqda inuu u xuub siibanayo Maamul metela dadka degan deganaada Sool iyo Cayn.Warar Xul ah