Wararka laga helayo Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhex maray koox shacab ah oo dagaal kula jirtay Alshabaab iyo maleeshiyada Alshabaab oo weerar ku soo qaaday.
Dagaalkan oo ka dhacay degaanada Darusalaam iyo Bur-dacaar oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay inuu qasaare dhaliyey. waxaana ku dhintay ilaa 5 qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Dagaalkii shalay ee labada dhinac ayaa waxaa dilay hoggaamiyihii ciidamada degaanka ee la baxay Macawisley oo lagu magacaabi jiray Hibaad Cali Dasar iyo ku xigeenkiisii Nuur cali Junbur, waxayna labadan nin kasoo muuqdeen muuqaal ay soo duubeen oo ay taageero hore uga dalbadeen dowladda federaalka.


Xaaladda degaanada dagaalladu ka dhaceen ayaa weli kacsan, iyadoo labada dhinac ay is hor fadhiyaan, waxaana goobtaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka.
Maamulka Hirshabelle iyo madaxweynaha maamulkaasi ayaa tacsi u diray labada halgame ee ku dhintay dagaalkii Aadan yabaal.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA KOOXDAN IYO DALABKII AY SOO DIREEN