Wararka laga helayo magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha saddexda dal ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis iskaashi ku kala saxiixdeen magaalada Asmara.
Heshiiskan ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay iskaashiga saddexda dal e arrimaha dhaqaalaha, siayasadd iyo Amniga, iyadoo heshiiska la saxiixay saacado yar kadib markii uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo gaaray magaalada Asmara caawa.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in madaxa ay shirkooda uga hadleen xal u helidda arrimaha dalka Jabuuti iyo Eritrea, iyadoo la isku raacay in wadahadal laga dhex furo labada dal.