Sunday, May 25, 2025

Hoggaamiyaha Tigray oo shaaciyey inay Duqeyn karaan Caasimadda Addis ababa, una digay Eritrea

Madxweynaha Gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa sheegay inay sii wadi doonaan gantaalaha ay ku weerarrayaan Ertirea, isagoo xaqiijiyey in gantaaladii xalay lagu riday magaalada Asmara ay ka danbeeyeen.

Hogaamiyaha Tigray ee waqooyiga Ethiopia ayaa ayaa ku eedeeyay Ertirea inay dagaal kula jirto Gobolkiisa, taasoo keenay inay gantaalo ku garaaceen caasimada Eritrea ee Asmara, wuxuuna ku hanjabay weeraro dheeri ah, isaga oo yiri “waxaan qaadi doonaa bartilmaameed kasta oo militari oo sharci ah, waanna duqeyn doonnaa.”

Madaxweynaha gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaan sheegin inta gantaal ee Sabtidii lagu duqeeyey Asmara, laakiin waxa uu sheegay in ay tahay magaalada kaliya ee Eritrea ee ay beegsadeen.

Ad

Mar la weydiiyay inay qorshaha ugu jirto duqeynta caasimadda Itoobiya ee Addis ababa ayuu madaxweyaha Tigray si cad u sheegay inay heystaan Gantaallo gaari kara Addis ababa, ayna suuragal tahay arrintaasi.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy ahmed ayaa maanta sheegay inay Itoobiya keligeed ay aad u weyn u leedahay inay soo afjarto dagaalka Tigray, isla markaana ay shacriga kusoo celin doonto Gobolkaasi.

Ilaa iyo hadda ma cadda tirada ku dhimatay dagaallada ka socda Ethiopia, balse QM ayaa sheegtay in dad ka badan 14 kun oo ka cararay dagaalka ka socda gobolka Tigray ay ka tallaabeen xadka Itoobiya la wadaagto Sudan.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON