Hogaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa sheegay inay caddowga kusoo duulay la dagaalami doonaan ilaa qofka ugu danbeeya, kadib markii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle.
Sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka ee Reuters hoggaamiyaha Jabhada xoreynta Tigray ee TPLF ayaa yiri: “Xasuuqa ay geysteen wuxuu sii kordhinayaa inuu keenna ugu danbeeya dhinto isagoo la dagaalamaya kuwa nagu soo duulay”.
Mar la weydiiyey hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael haddii ay sii wadayaan dagaalka ayuu sidoo kale sheegay in dagaalka uu yahay mid ay ku difaacayaan xauquuqdooda inay is maamulaan, taasina ay geeri ka xigaan.
Ciidamada Itoobiya ayaa xalay qabsaday caasimadda Tigray ee Makelle, wuxuuna Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku dhawaaqay inuu dhammaaday dagaalkii, laakiin TPLF ayaa la filayaa inay dagaal jabhadeed bilowdo, kaasoo Itoobiya gelin kara xaalad dagaal oon nooc cusub ah.
