Iyadoo dagaalka Yuhuudda ku qaaday Marinka Gaza ee rer Falastiin uu galay maalintii 11-aad, ayaa waxaa sii kordhaya qasaaraha dadka ku dhintay iyo cabsida laga qabo inuu dagaalku sii fido.
Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka Iran Ali Khamenei ayaa sheegay haddii aan la joojin dambiyada dagaal ee Marinka Gaza ay ka wadao Yuhuudda, inuu dagaal weyn qarxi doono, iyadoo dulqaadku ka dhammaan doono Xooggaga wax iska caabinta iyo Muslimiinta guud ahaan.
Hoggaamiyaha Diiniga ee Iirana wuxuu ka digay inaan la horjoogsan karin muslimiinta dooneysa inay u guradaan Walaalahood Reer Falastiin ee lagu xasuuqayo Marinka Gaza, isagoo ku baaqay in Israel lagu maxkamadeeyo dambiyada ay galeen.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian, ayaa ku baaqay in si degdega oo aan dib u dhigis lahayn loo furo waddooyin si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka deggan Marinka Gaza.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran wuxuu caddeeyay in dagaalka fidi doono haddii uu gaaro heerar aan laga fursan karin in dhinacyo kale soo galaan.