Guddoomiyaha Golaha Sare ee Milateriga Sudan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Eritrea, iyadoo si weyn looogu soo dhoweeyay caasimadda Asmara.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Sare ee Milateriga Suudaan C/fatah Burhaan waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afweri iyo madaxda dalkaasi, waxaana la sheegay in booqasho shaqo ay uga bilaabatay dalka Eritrea.
Gen. C/fatax Burhan ayaa hore u booqday Itoobiya, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar, waxaana weli xal loo helin xiisadda ka taagan dalka Suudaan, kadib markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Cumar Albashiir.




