Tuesday, February 18, 2025

Hoggaamiyaha Milateriga Sudan oo ku dhawaaqay in la kala diray xukuumadii iyo Golihii hogaaminta…

Hoggaamiyaha Milatariga dalka Suudaan Abdifatah Burhan ayaa ku dhawaaqay in la kala diray Xukuumadii, Wasiiradii iyo Golihii Hoggaaminta labada dhinac, isla markaana ay xukunka la wareegeen ciidamada.

General Burhan ayaa khudbad uu jeediyey Telefishanka dalkaasi ku sheegay inay dadka Suudaan diideen inay xukumaan qof kaliya iyo Koox, ayna qeyb ka ahayd kacdoonkii shacabka ee Suudaan.

Wuxu usheegay in Golaha Hoggaaminta dalkaasi ee ka koobnaa Milatariga iyo Rayidka ay ka bixi waayeen khilaaf iyo loolan awoodeed, ayna halis ku noqdeen jiritaanka Dowladnimada, taasina ay keentay inay qaadaan tallaabo ay uga hortagyaan qalalaase oo dalka saxayo Kacoonka dalka.

Ad

Hoggaamiyaha Milatariga Suudaan Gen. Cabdifataah Burhaan Wuxuu soo saaray Go’aannada soo socda:

– Xaalad degdeg ah dalka Suudaan oo dhan lagu soo rogay

– In la joojiyay ku dhaqanka qodobadda heshiiskii Dastuuriga xaaladda KMG ah

- Advertisement -

– In la kala diray Golaha KMG ah ee hoggaaminta dalka Suudaan

– In kala diray xukuumadii iyo Golaha Wasiirada dalkaasi

– Iyo In dhammaan xilalkii laga qaaday madaxdii Gobollada

– In la joojiyey shaqadii Golaha dib u hbeynta dowladnimada

- Advertisement -

Wuxuu sheegay inay so magacaabi doonaan xukuumad laga soo dhisi doono aqoonyahannada iyo dad aan dhinacyo kala raacsaneyn, iyadoo doorasho guud ay ka dhici doono Suudaan 2023.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON