Thursday, November 30, 2023

Hoggaamiyaha Khaatumo oo si yaab leh loogu soo dhoweeyay Muqdisho

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Cabdulqaadir Axmed Firdhiye ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, iyadoo Garoonka Aadan cadde ay uga hortageen madax kala duwan iyo shacab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa hoggaaminayey madaxda dowladda, halka ay ka mid ahaayeen xildhibaanno, Senatooro iyo qeybo bulshada ee kala duwan.

“Sharaf bay inoo ahayd galabtay in aan ku soo dhowayno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wafdi uu hogaaminayo hogaamiyaha SSC Khaatumo Md. Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo booqasho rasmi ah iyo casuumaad loo fidiyey ku yimid Muqdisho”.” ayuu yiri Wasir Fiqi.

Ad

Hoggaamiyaha SSC oo kor u haya Calanka Soomaaliya ayaa kasoo degay diyaaradda, waxaana soo dhoweynta uu la kulmay ahayd mid ka mida kuwii ugu weyne ee caasimadda ka dhacay, waxaana la dejiyay xarunta Madaxtooyada.

Hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo oo ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aysan ogoleyn in dalka la kala gooyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON