Monday, March 24, 2025

Hoggaamiyaha Jabhadda Oromada (OLF) oo shaaciyey inay qarka u saaran yihiin Caasimadda Addis Ababa

Hogaamiye fallaagada Oromadda Jaal Marroo oo dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya ayaa shaaciyey in ciidamadiisa ay ku dhow yihiin caasimadda, ayna isku diyaarinayaan weerar cusub oo ay ku qabsadaan.

Wuxuu sheegay inay si dhaqso ah dagaalku u soo afjari doonaan xilli dalalka waaweyn iyo Midwoga Afrika dadaal ugu jiraan waanwaan xabbad joojin ah oo ka dhaqan gasha dalka Itoobiya.

Jaal Marroo oo ah Taliyaha Ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa uga digay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed in ciidamada taageersan dowladda ay u goosanayaan dhinaca mucaaradka, fallaagadana ay aad ugu dhow yihiin guul ay dalkaasi ku qabsadaan.

Ad

“Waxa aan hubo waa in dagaalku uu si dhakhso ah u dhammaan doono” ayuu yiri Jaal, oo magaciisa saxda ah uu yahay Kumsa Diriba, isagoo wareysi siiyay Wakaalada wararka AFP.

“Waxaan isku diyaarineynaa weerar kale, dowladdu waxay isku dayaysaa inay waqtiga dheereysato, waxay doonayaan inay dalkan ka dhaliyaan dagaallo sokeeye, sidaas darteed waxay ugu baaqayaan ummadda inay rijiimka la dagaallamaan.” ayuu yiri hoggaamiyaha jabhadda OLF.

Jabhadda OLA iyo xulafadeeda ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa guulo kala duwan ka soo hooyey todobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin 400 KM u jira caasimadda, mana aysan meesha ka saarin in ay socod ku tagaan Addis Ababa.

- Advertisement -

Jaal waxa uu sheegay in dagaalyahanadiisu ay xitaa kusii dhowaadeen ilaa 40 kiiloomitir (25 mayl) meel u jirta caasimadda.

Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay sheegashada fallaagada u jirta magaalada Addis Ababa, balse waxay ku amartay caasimadda inay isu diyaariso sidii ay isu difaaci lahayd, halka safaaradaha shisheeye ay kala baxayaan shaqaalahooda.

Dhinaca kale Axadii, wakiilka sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo, ayaa markii ugu horeysay kulan la yeeshay hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, kadib markii uu tegay caasimadda Tigray ee Mekele.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON