Thursday, February 13, 2025

Hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta oo ballanqaad u sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa taageero iyo garab istaag u ballanqaaday madaxweynaha Soomaaliya, kadib kulan qaabilaad ah oo uu maanta kula yeeshay xarunta Madaxtooyada Abu Dhabi.

Madaxweynaha Imaaraadka ayaa caddeeyay in Imaaraadka Carabta ay mar walba garab taagan yihiin Soomaaliya iyo wax kasta oo dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, horumarka, xasiloonida, barwaaqada iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan.

Kulanka maanta Xarunta Madaxtooyada Imaaraadka ka dhacay ayaa lagu soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashada ku jooga dalka imaaraadka.

Ad

Wuxuu ugu hambalyeeyay doorashada mar kale xilka Madaxtinimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul ku hoggaamiyo dalkiisa iyo ka miro-dhalinta himilooyinka dadkiisa ee ku aaddan xasilloonida, horumarka iyo nabadda.

Wakaladda wararka Imaaraadka ayaa qortay in Madaxweynaha Imaaraadka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada hadleen xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan, gaar ahaan horumarinta iyo dadaallada nabadeed ee Soomaaliya.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay inay taageeraan shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan dhismaha dowladooda, isla markaana ay u sii ambaqaadaan mustaqbal ay ku gaaraan nabad iyo xasilooni, taasoo ku saleysan xiriirka walaaltinimo ee isku xira labada dal iyo Shacabka.

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in uu rajaynayo in uu ka shaqeeyo horumarinta iskaashiga Imaaraadka iyo Soomaaliya si loo gaaro himilooyinka shucuubta labada dal ee walaalaha ah, loogana qeyb qaato horumarinta xasiloonida iyo amniga gobolka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Wafdiga Xasan Sheekh waxaa ka mid ahaa La-taliyaha Amniga Xuseen Macallin iyo Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad. Halka Imaaraadka ay kulanka ku sugnaayeen madaxda ugu muhiimsan sida: Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyada, Sheikh Hamdan bin Mohamed bin Zayed Al Nahyan, H.E. Sheikh Shakhbut bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru Dowlaha, iyo H.E. Dr. Anwar bin Mohammed Gargash, la taliyaha dhanka diblomaasiyadda ee H.H. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka iyo Mudane Ali bin Hammad Al Shamsi, ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka, Mudane Mohamed Ahmed Al Othman, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo wafdiga la socda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON