Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Milateriga dalka Suudaan ee talada dalkaasi la wareegay Gen. C/fataax Burhaan ayaa soo saaray bayaankiisii ugu horeeyay isagoo sheegay inuu talada sii heyn doono muddo 2 sano ah, kadibna lagu wareejin doono xukuumad rayid ah.
Bayaanka ayuu ku sheegay in xabbad joojin ay dalkaasi ka dhaqan gashay, siiba gobollada ay dagalada sokeeye ka jireen, isla markaana wuxuu ku dhawaaqay in la sii daayo dhammaan maxaabiista siyaasadeed iyo dadkii loo xirxiray bannaanbaxyadii dalkaasi ka socday.
Hoggaamiya cusub ee Suudaan C/fataax Burhan oo xilka kala wareegay wasiirkii hore ee gaashaanshigga Cawad Bin Cawf oo hal maalin xikaasi hayey ayaa sheegay inuu meesha ka saaray bandowgiii dalkaasi lagu soo rogay.
C/fataax Burhaam Bayaankiisa ka akhriyey telefishanka dalkaasi ayaa sheegay in ciidamada dalka Suudaan ay kaliya ku koobnaan doonaan labada wasaaradood ee Gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha.