Thursday, October 10, 2024

Hogaamiyaha Xisbullaah Xasan Nasrallah oo Niyad-jab ku riday Falastiiniyiinta

Hoggaamiyaha Xisbullah ee dalka Lubnaan, Xasan Nasrallah ayaaniyad-jab ku riday Falastiiniyiinta badan iyo taageerayaashooda, kadib khudbadiisii sida weyn loo sugayey ee Jimcaha shalay.

Nasrallah ayaa markii ugu horeysay si roos ah uga hadlay dagaalka ka socda Marinka Gaza, wuxuuna ka mid ahaa madaxda dhaqdhaqaaqyada wax iska caabinta Islaamiga ee ugu awoodda badan ee rajada lag qabay inay si toos ah dagaalka ugu biiraan.

Inkastoo Xisbullaah iyo Isreal ay duqeymo joogto ah isku dhaafsadaan Xuduudka Lubnaan iyo dhulka ay Israel ka heysato Lubnaan, haddana waxaa si weyn loogu dheg taagayey khudbadiisa oo socotay ku dhowaad saacad iyo bar.

Ad

Ma jirin Nasrallah wax uu soo kordhiyay oo aan ka ahayn inuu Mareykanka ku eedeeyay inuu ka dambeeyo dagaalka Yuhuudda ka wado Marinka Gaza, sida uu u taageersan yahay dagaalka Xamaas iyo inay dagaalka ku jiraan isla maalintii uu bilowday, xaalad kasta ay ka qaadan doonaan go’aan u dhigma.

Waxaa la filayay inuu Xasan Nasrallah inuu ku dhawaaqi doono tallaabooyin dheeraad iyo xaalad weyn, balse taa beddelkeeda, waxa uu ku sifeeyay ka qayb-galka Xisbullah ee dagaalka hadda socda inay ku biirtay maalin kadib weerarkii Xamaas ee 8-da oktober.

isbullah iyo kooxaha kale ee ay taageerto Iran ayaa u muuqda inaysan dooneynin dagaal toos ah ay ku qaadaan Israa’iil, iyadoo Mareykanka uu Iiraan ku cadaadiyey inaysan qeyb ka noqon dagaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON