Monday, February 10, 2025

Hirshabeelle oo Wasiir Beyle ku eedeysay inuu xayirtay Lacag loogu talogalay Arrimaha fatahaadda

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddi madaxweynaha Hirshabeelle u magacaabay arrimaha fartahaadda ayaa lagu sheegay in kharash loogu talogalay wax ka qabashada Daadadka ay xayireen wasiiro ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu faahfaahiyey xaalada halista ah ee ka taagan magaalooyinka Hirshabeelle, iyo sida looga hor istaagay kharashkii oo wax weyn ka tari lahaa ka hortagga fatahaadda haddii xilligii logu talogalay lasii deyn lahaa.

Hirshabeelle ayaa codsatay lacagahaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay in bishii Janaayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha loogu yeeray wasiirada Maaliyadda C/raxmaan Beyle iyo Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan, laguna amray bixinta lacagtaasi.

Ad

“Waxaa wax laga xumaado ah in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirkeeda ay caqabad ku noqdeen fududeynta iyo sii deynta qarashaad wax looga qaban lahaa arrimaha hadda taagan dhibaatadana heerkaan ma gaarteen, hdadii Wasaaradda Maaliyadda sii deyn laheyd qarashaadka looga hortagayo fatahaada xilligii Maamulka dalbaday” ayaa algu yiri qoraalka Maamulka Hirshabeelle.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii uu dhowaan kashifay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle in saddex Wasiir oo ka t irsan xukuumadda Federaalka ay xayireen lacag ka badan 30 milyan oo Dollar oo loogu talogalay arrimaha fatahaadda.

QORAALKA HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON