Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle ayaa caawa shaaciyay Guddiga soo xulaya Ergada laba kursi iyo iyo Jadwalka ee doorashada kuraastaasi oo ku harsan magaalada Beledweyne.
Guddiga ayaa sheegay in ergada iyo Musharixiinta labada kursi la diiwan gelinayo Berri 01/04/2022. Sidoo kale 02/04/2022 la qabanayo qabashada doorashada labada kuyrsi ee kala ah: HOP#019 iyo HOP#059.
Guddiga SEIT Hirshabeelle ayaa isla maanta shaaciyey heshiis laga gaaray qeybsiga ergada Beesha leh Kursiga HOP019 oo khilaaf ka taagnaa in muddo ah.
HOP019 waxaa hore ugu fadhiday Farxiya Muumin oo dooneysa inay dib u soo laabato, balse kursiga oo la furay, ayna ku loolami doonaan rag iyo haween ayaa fursadeedii hoos u dhigeysa.
Kursiga HOP059: Waxa hore ugu fadhiday Samiira Xasan Cabdulle oo dhaxda guddoomiyihii Baarlamaanka 10-aad, iyadoo wajaheysa diidmo culus oo uga imaaneysa beesheeda, waxayna la tartameysaa musharixiin badan.