Thursday, October 10, 2024

Hirshabeelle oo ku hanjabtay inay xuduudka ka xireyso Muqdisho, ayna fureyso dekadda Ceel-macaan

Maamulka Hirshabelle ayaa ku hanjabay inay ciidamo geyneyso xuduudka ay la leedahay magaalada Muqdisho, isla markaana ay dib u furaneyso dekada Ceelmacaan ee u dhow Muqdisho.

Wasiirka Madaxtooyadda Hirshabelle C/llaahi Maxamed Caddow ayaa sheegay in Maamulka Hirshabeelle ay furanayaan Dekadda Ceel Macaan, Garoonka Cisaley, xuduuda Gobolka Banaadirna ciidan ay soo dhigayaan.

Wuxuu ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay eex ballaaran kula dhaqantay maalmulkooda. “Waxa socda haddii ay ku sii socdaan Hirshabelle go’aan ayeey qaadan doontaa, Hirshabelle Garoonka Cisaley ayey furan doontaa, xuduuda Banaadir waxaan geynaynaa.. Ciidamada dhowaan qabiika lagu tilmaamay waxaan geysan doonnaa xadka Banaadir & Hirshabeelle, nin walibow isku tasho ayeey noqon doontaa…” Ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyadda Hirshabelle.

Ad

Dhaqaalaha abaaraha loogu talogalay ayuu sheegay inuu gaarayo 30 Milyan Doolar, loona qeybiyey qaab degmo, iyadoo maamulka Hirshabelle kaliya lagu soo daray degmada Cadalle, taasoo aysan qaadan karin.

Arrintan ayaa bilaabatay kadib madmadow soo galay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Hirshabeelle oo salka ku haya Qorshaha gurmadka abaaraha oo Hirshabeelle ay qaadacday markii Dhaqaale loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka saami aad u yar laga siiyey ayaa warkan soo saartay maalin kadib markii madaxweyne Maxamed Cabdi Waare arrintaas ka hor yimid.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON