Friday, December 1, 2023

Hirshabeelle oo baafinaysa Dadkii ku noolaa Masaajid Cali-Gaduud iyo Baaq loo diray

Magaalada Masaajid Cali-Gaduud ee Gobolka Sh/Dhexe oo dhowaan laga saaray Alshabaab aya noqotay magaalo haawaneysa oo ay dhammaan ka qaxeen dadkii ku noolaa.

Magaalada oo ahayd xarun muhiim ah oo isku xira Gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, ayna u noolaayeen dad fara badan ayaa markii ay Alshabaab ka baxeen waxay noqotay cidlo, waxaana ka tegay dhammaan dadkii ku noolaa oo u qaxay degaanada hoostaga degmada Aadan Yabaal.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo tegay magaalada Masaajid Cali Gaduud ayaa ugu baaqay shacabkii ku noolaa ee ka barakacay inay dib ugu soo laabtaan Magaalada, wuxuuna Alshabaab ku eedeeyay inay lacago baad ah ka qadan jiraan shacabka.

Ad

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in Shabaab Masaajid ku yaalla degaanka ay dhigeen dukaamo lagu ganacsado, sidoo kale dadka shacabka ay ka qaadi jireen xoolo fara badan.

Dagaalka lagula jiro Alshabaab ayuu sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle inuusan joogsan doonin inta laga xoreynayo dhulka maamulka Hirshabeelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON