Sunday, May 25, 2025

Heshiiskii qarsoodiga ahaa ee Cumar Faruq & Pakistan oo qeyb la fuliyay iyo Pakistan oo xil cusub loo camaamaday

Waxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho xaflad lagu sheegay in lagu sheegay in dooranayo Xoghayaha Guud ee Ururka Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed, taasoo ka mid ahayd heshiis ay si qarsoodi ah u gaareen labadii nin ee isku heystay xilka xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ, heshiisaas oo labad nin ee hore saaxiibada ahaa ay mar kale ku heshiiyeen in Pakistan ururka Shaqaalaha loo doorto, Cumar Faaruuq-na doorashada xigta loogu dib loogu doorto ururka NUSOJ.

Waxaa goobta laga sheegay in xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed ay u tartamayaan saddex musharax oo kala aha:

  1. Maxamed Ibraahim Bakistaan
  2. Cabdiraxmaan Xasan Cumar iyo
  3. Cumar Faaruuq Cismaan oo aan  goobtaba ku sugneyn.

Riwaayadii waxay ku dhamaatay sidii loo diyaariyay waxaana ka shaaciyay in Maxamed Ibraahim Baksitaa nuu  ku guuleystay doorashada, waxaase la yaab leh in masraxiyaddaasi ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada.

Ad

Xoghayaha guud ee la shaaciyay in Xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Baksitaan ayaa la xusuustaa inuu hore u sheegay inuusan mar dambe u tartameynin xilka xogyaha guud ee NUSOJ, isagoo taas sabab uga dhigay inuu daalay oo uu doonayo nasasho.

Waxaa xusid mudan inay jiraan ururo kale oo magacan sheegta, isla markaana madaxda dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha ay la kala safan yihiin.

HOOS  DAAWO SAWIRRADA

IMG_3165\

- Advertisement -

 

IMG_3167

IMG_3171

IMG_3180

- Advertisement -

IMG_3182

IMG_3185

IMG_3197

 

IMG_3209

  Sawir Qaade:-Maxamed Cabdullaahi Maxamed

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON