Monday, February 10, 2025

Heshiiska Milateri ee Somaliya iyo Imaaraadka la geynayo Baarlamaanka Federaalka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in heshiiska milateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta la geynayo Baarlamaanka si ay ansixiyaan.

Wasiirka oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay wada qabteen Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maxamed  El-Amine Souef ayaa sheegay in heshiiskaasi laga faafiyay warar aan jirin, isagoo difaacay.

Wuxuu sheegay in Heshiiska Milateri ee Imaaraadka iyo Soomaaliya uu maray Golaha Wasiirada, lana mid yahay heshiisyada ay Soomaaliya la gashay dalalka kale, loona gudbin doono Baarlamaanka.

Ad

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay inay kordhayaan tirada Alshabaab ee isu soo dhiibaya Ciidamada dowladda ee ku sugan Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Heshiiska Milateri ee Imaaraadka ayaa hore shaki badan looga muujiyey, iyadoo aysan caddeyn in laga saray qodobo halis ah oo ku jiray sida ay sheegeen wasiiro ka tirsan xukuumadda, taasoo keenay in dib loo celiyo toddobaadkii hore.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON