Saturday, April 19, 2025

Heshiiska Madaxda Somaliya iyo Kenya (Akhriso: Qaadkii Kenya oo la fasaxay iyo Qodobadda…)

Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku dhawaaqay heshiis ay gaareen saacado yar kadib markii uu dalka Kenya booqasho ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulan ay xarunta Madaxtooda Kenya ku yeesheen Madaxweynayasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu gaaray heshiis ku saabsan Arrimaha dhaqaalaha, Amniga, Socdaalka iyo iskaashiga labada dal.

Qodobadda ugu muhiimsan Heshiiska labada dal, sida ay shaacisay mnadaxtooyad Kenya aya kala ah:

Ad

1- In duullimaadyada Kenya Airways (KQ) ee loo qorsheeyay inay ku yimaadaan Muqdisho ay si degdeg ah dib u billaabaan iyadoo lagu saleynayo heshiiska adeegga hawada ee labada dal (BASA). BASA waxa dib u eegi doona Masuuliyiinta ay khusayso.

2- Waxaa kaloo la isla gartay, in la fududeeyo, lana horumariyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee labada dal. Waxaa la faray in si degdeg ah suuqa Kenya loogu fasaxo Wax soo saarka kalluunka ee Soomaaliya oo la geeyo Kenya, dib u soo celinta ganacsigii Qaadka (miraa) ee Kenya iyo Soomaaliya oo loo bilaabayo si degdeg ah.

3- Waxaa la faray hay’adaha ay khusayso inay fuliyaan bixinta fiisaha tooska ah, marka ay yimaadaan, mudanayaasha, senatarada iyo dublamaasiyiinta haysta baasaboorka diblomaasiga ah iyo oo ka socda wasaaradaha arrimaha dibadda. Fiisaha Dadka sita Baasaboorka Soomaaliga waxaa lagu bixin doonaa afartan – Sideed (48) saacadood gudahood, kadib marka ay soo dhameeyaan Codsiga Dal-ku-galka ee Online-ka ah.

- Advertisement -

4- Waxaa lagu heshiiyey in la furo xuduudka labada dal si nidaamiyo isu socodka dadka, korna loogu qaado ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada.

5- Waxaa la faray in Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya lagu qabto Muqdisho Ogosto 2022 si looga wadahadlo, loogana heshiiyo arrimaha khuseeya labada dal, sida howlaha amniga ee wadajirka ah, Difaaca, Beeraha, Ganacsiga, Isdhaafsiga Sirdoonka, Caafimaadka. waxbarasho, tababaro dhinacyo kala duwan ah, iyo dib u eegista joogtada ah ee nidaamka fiisaha.

6- Waxaa la faray Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda inay xaqiijiyaan dhaqangelinta qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne muddo laba (2) toddobaad gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda war-murtiyeedka wadajirka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON