Kadib muran ka dhashay shirkii Baarlamaanka ee Arbacadda maanta lagu waday inuu qabsoomo ayaa lagu xaliyey waanwaan laga dhex sameeyay guddoonka kala qeybsan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey ayaa ka hor yimid kulanka la shaaciyey Arbacadda isagoo sheegay inuu yahay kusimaha guddoomiyaha Baarlamaanka, isaguna uu xaq u leeyahay inuu shaaciyo kulanka, taasoo keentay inuu diro farriin ku saabsan inuusan jirin wax kulan ah Arbacadda.
Kulanka ayaa ugu danbeyn lagu heshiiyay inuu dhacdo Khamiista Berri iyadoo Guddoomiyaha is casilay uu guddoominayo qeybta hore, halka kadibna uu la wareegi doono ku xigeenka koowaad shir guddoonka iyo hagista kulamada Baarlamaanka, wuxuuna xalay saqdii dhexe kadib diray farriin ku saabsan in shirkii Baarlamaanka uu dhacayo Khamiista.
C/weli Muudey oo hoggaaminayey kacdoonkii looga hor yimid Guddoomiye Jawaari, ahaana xagjir si weyn ula dhacsanaa mooshinka Jawaari ayaa Khamiista kadib gebi ahaan la wareegaya guddoonka Baarlamaanka, inkastoo aanay isku fiicneyn kuxigeenka labaad iyo xogheynta Baarlamaanka.