Wednesday, December 4, 2024

Heshiis laga gaaray khilaafkii Doorashada K/Galbeed iyo Lafta-gareen oo helay muddo kororsigii..

Waxaa Xalay saqdii dhexe waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo Shirkii Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, iyadoo laga soo saaray heshiis Doorasho.

Qoraal laga soo saaray xaflad ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa lagu sheegay in dhinacyadii shirkaas ka qayb galay ay isku raaceen in Baarlamaanka cusub ee K/Galbeed lasoo xulo aakhirka sanadkan iyo in Doorashada guddoonka iyo tan madaxweynahana K/Galbeed la qabto bisha Janaayo ee sanadka 2024.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa loo xalaaleeyay sanadkii uu ku darsaday ee shanaad oo muran weyn ka taagnaa, waxaana sida muuqata tanaasulay dhinacii Mucaaradka oo muddo 10 bilood ah hadda sugaya doorashada K/Galbeed.

Ad

Heshiiska waxaa waanwaantiisa galay oo muddo ku suganaa Magaalada Baydhaba Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad halkaasi tegay muddo laba toddobaad gudahood ah.

HOOS KA AKHRISO HESHIISKA

WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA SIYAASADEED IYO KAN BULSHEED EE KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

- Advertisement -

Qobkobka 1aad

Gudoomiyaha Golaha Shacabka marka uu xaqiijiyey arrimaha siyaasadeed iyo mida bulsheed ee dooda ka taagneyd, wadatashi dheer kadib waxaa la go’aamiyey:

A- In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG.

B- In doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

- Advertisement -

Qobkobka 2aad

Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON