Shir lagu hirgelinayey Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga dalka oo dib-u-habayn lagu sameeyey, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo metelayey Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.
Dib-u-habayntan Qorshaha ay Soomaaliya si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga ka taageera uga la wareegayso mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, oo muddo laga shaqaynayey ayaa maanta la isku raacay hirgelintiisa, iyada oo 31-da bishan Qorshahan la horgayn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu u ansixiyo.
Qorshaha cusub ee lagu soo gabagabeynayo Howlgalkii Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), laguna bilaabayo howlgalka cusub ee Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa ku eg sannadka 2024-ka.
Waxaa la isla meel dhigay halbeegyada iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee hagaya Waajibaadka shaqo ee hawlgalka cusub ee ATMIS, qorshaha gabagabaynta hawl-galka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada, iyada oo la raacayo hagitaannada iyo jihaynta dowladda Soomaaliya ee soo socota.