Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarad Helikobtar ah oo ay lahayd Qaramada Midoobay ay ku degay degaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab.
Diyaaraddan oo leedahay Q/Midoobay ayaa laga soo xigtay saraakiil ka tirsan UN-ka in la la’ yahay, ayna saarnaayeen 8 ruux oo 7 ka mid ah ay ahaayeen ajaanib isugu jjra Duuliyeyaasha, Injineerkii diyaaradda, shaqaale caafimaad iyo laba askari oo mid ka tirsan Xoogga dalka kana kalena ATMIS.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xaaladda diyaaradda, iyadoo la sheegay inay si khalad ah ugu degtay degaanada Alshabaab iyo inay cilad ku timid ay keentay ku degista degaankaasi, kadibna ay ka war heleen Alshabaab, markii dadka degaanka ku wargeliyeen.
Diyaaradan oo ka baxday magaalda Beledweyne ayaa si lama filaan ag ugu degtay duleedka Degaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud, iyadoo ku socotay degaanka Wisil.
Askariga Soomaaliga Ajnabiga la socday diyaaradda ayaa inay is dhiibeen markii maleeshiyo Alshabab ah soo weerarreen. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay Alshabaab gubeen diyaaradda ayna kaxaysteen dadkii la socday.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, Maamulka Galmudug iyo Alshabaab, waxaase la filayaa inuu faahfaahin warkan soo shaac baxo saacadaha soo socda.