Hay’adaha Garsoorka dowladda Soomaaliya ayaa marki ugu horeeyay muddo Bil ah ka hadlay kiiska sarkaalad u shaqeyneysay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo la waayey aakhirkii Bishii hore.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamey ayaa shaaciyey inuu magacaabay Saddax Sarkaal oo ka kala Socdo Xafiisyada Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda si ay Baaritaan ugu saeeyaan a Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay qoyska Ikraan Tahliil dacwad ka furteen Maxkamadda Milateriga, taasoo muddo kadib uu aqbalay xeer ilaaliyaah ciidmada Qalabka Sida.
“Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Maqanyd Ikraan Tahliil” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda.
Xeer Ilaaliyaha ayaa faray Taliska Hay’adda NISA inay la shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Waddo kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda.
Qoyska iyo beesha ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil ayaa ku eedeeyay Hay’adda NISA inay ka danbeysay maqnaanshaheeda, waxaana soo baxay warar kala duwan oo ku saabsan kiiskeeda.