Friday, March 28, 2025

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo loo dhisayo xarun ay ku baxeyso 5 Milyan oo Dollar [Yaa bixinaya kharashka?]

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale ) ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo dhisayo Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Xaruntan oo laga dhisayo agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 5 Milyan oo Doolar, waxaana lacagtaasi bixinaya dowladaha kala ah UK, Finland, Norway iyo Denmark, isla markaana ay tahay xarun qeyb hoose yeela doonta oo si casri ah loo dhisayo, lana filayo inay ku dhammaato sanadka 2021.

Wasiirka Amniga oo ka hadlay munaasanadda Dhagax dhigidda ayaa sheegay inay dhismaha xarunta u tartameen shirkado badan oo Soomaali iyo Ajnabi ah, bale ay ku guuleysatay Shirkad Soomaali ah, dhismahana uu bilowday. isagoo u mahadceliyey afarta dowladood ee bixinaya kharashka xaruntaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON