Thursday, February 13, 2025

Hay’adda Qatar Charity oo Afurineysa kumanaan qof oo Soomaaliya Danyar ah [Sawirro]

Hay’adda Qatar Charity ayaa magaalada Muqdisho iyo gobolada qaarkood ka hirgelisay xarumo loogu talagalay in lagu afuriyo kumanaan dadka sooman ee danyarta ah oo  bisha Ramadaan laga taageerayo dhinaca raashinka.

Qoysaska ka faa’idaysanaya mashruucan ayaa gaaraya kumanaan qoys oo ku kusgan magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya qaarkood,iyadoo uu mashruucan sii socon doono inta bisha Ramadaan lagu guda jiro.

Madaxa hay’adda Qatar Charity ee xafiiska Soomaaliya mudane Cabdinuur Xaaji Cali Mursal ayaa sheegay in hay’adda Qatar Charity ay laba jibaarto howlihii samafal oo ay u haysay bulshada Soomaaliyeed.

Ad

“Waxaa ka go’an Hay’adda Qadar Charaty in ay dardargeliso caawinaada bulshada Soomaaliyeed, hadda Ramadaanka waxaan sameynay xarumo loogu talagalay in lagu afuriyo dadka Saa’imiinta ah, Muqdisho iyo Gobolada Dalka, waxaa mashruucan hadda ka faa’idaysanaysaa ilaa 4500 oo qoys danyar ah”. Ayuu yiri Cabdi Nuur.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON