Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa xabsiga dhigay xubno ganacsato ah oo la sheegay inay macaamil la sameeyeen Alshahaab si ay baad u siiyaan.
War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay ciidanka sirdoonku ay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo la tuhunsan yahay la macaamilka kooxda, iyadoo aan la shaacin magacyada ganacsatada la xiray.
“NISA oo si dhaw ula socotay isku dayo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah baad ugu weydiisaneysay xubno ganacsato ah ayaa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda, waxaana sidoo kale Ciidanka sirdoonku ku daba jiraan xubno kale oo la tuhunsan yahay”. aya lagu yiri qoraalka Hay’adda NISA.
Dhinaca alae waxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda uga digtay Ganacsatada inay u dhego-nuglaadaan isku dayga Khawaarijtu ay ku dooneyso in ay ku boobto hantidooda kaddibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.