Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa shaaicay inay gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo ah weriye hore, kaasoo furtay xisbi afkaar xagjir ah aaminsan.
Ninkan oo dhowaanahan deganaa dalka Kenya ayaa warbaahinta ku faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo mararka qaar taageersan Alshabaab, waxaana lagu eedeeyay inuu lid ku yahay xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana uu taageero Alshabaab.
Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayey hay’adda NISA manata kasoo dejisay Magaalada Muqdisho, iyadoo ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisadad.
Hay’adaha Amniga dowladda Kenya ayaa la sheegay inay NISA kusoo wareejiyeen Sufyaan , xilli ay sii kordhayso wada-shaqeynta labada Sirdoon ee Somaliya iyo Kenya.