Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA, ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen Shabakad ka kooban labo xubnood oo ka tirsan Al Shabaab, una qaabilsanaa sahanka.
Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay inay heysay xogta raggan la qabtay oo in muddo ah ku daba jiray, iyadoo ugu dambeyn lagu guulaystay in la qabto, xilli ku jireen sahminta goobo ay rabeen in ay Al Shabaab ku dhibaateyso shacabka.
Labada nin ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Sakariye Saciid Cabdullahi Sulsul oo la sheegay inuu Nin AlShabaab u qaabilsan Qaybta Sahanka iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sarkaal laba xiddigle oo a tirsanaa ciidamada Dowladda, balse la shaqeynayay Alshabaab.