Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaalida ee NISA ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay sarkaalkii ugu muhiimsanaa ee Alshabaab u soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo.
Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lau sheega inay gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Aba-Sheekh (Saki) oo ahaa horjoogaha Alshabaab dibada uga soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.
Sakariye Kamaal oo ah 28 sano Jir Soomaali ah, kaasoo ugu danbeyn suurto-gal noqotay in gacanta lagu soo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha Alshabaab ee gudaha Soomaaliya.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay inuu Sakariye ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.