Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay qabatay Maado loo adeegsato Qaraxyada iyo shaqsiyaad ay sheegtay inay dalka soo geliyeen.
Qoraal ay soo saartay NISA ayey ku sheegtay in la qabtay kiimikada oo loo adeegsado sameynta Qaraxyada, isla markaana dalka lagu keeno bacrinta Beeraha. Waxaana qoraalka NISA u dhignaa sidatan:
“Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Qoraalka ayaa intaas ku daray.. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan la-dagaalanka Aragagixisada.”
NISA ayaan faahfaahin ka bixin dadka lagu qabtay maadadan iyo magacyadooda, waxayna sidoo kale ka hadlin goobta lagu qabtay iyo sida dalka lagu soo geliyey.