Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Suggida Qaranka ee (NISA) ayaa shaacisay inay gacanta kusoo dhigeen 25 xubnood oo ku biiri lahaa Alshabaab.
Warka NISA ayaa lagu sheegay in Gaari Homey ah oo lagu waday 25 rag ah oo doonayay in ay ku biiraan Khawaarijta gacanta lagu soo dhigay, xilli ay ka baxeen degaan Hoos taga degmada Afgooye, una tallaabi lahaa gobolka Shabeelaha Dhexe.
“28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay loo waday in la askareeyo kuna biiraan Maleeshiyaadka Khawaarijta”.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.
Muuqaal baraha bulshjada loo dusiyay oo lagu wareysanayo Darawalka Gaariga la qabtay ayaa waxaa ma muuqda xog khilaafsan tan ay shaacisay Hay’adda NISA, wuxuuna sheegay inuu waday 29 qof iyo in uuu geyn lahaa degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe.