Saturday, April 26, 2025

Hay’adda NISA oo shaacisay howlgal ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay Saraakiil badan oo Alshabaab ah

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa muddo kadib shaacisay howlgal ka dhacay Muqdisho oo sida la sheegay lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab.

Qoraal ay barteeda Twitterka ayaa ku baahisay ayay NISA ku sheegtay inay 12 xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab ay ciidamada Ammaanka xalay ku dileen magaalada Muqdisho, kadib howlgal ay fulisay.

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo Maafiyada AS u qaabilsanaa khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay”adda NISA.

Ad

NISA ma sheegin goobta uu ka dhacay howlgalkaas ee Muqdisho, mana faahfaahin howlgalka iyo ragga lagu dilay waxay ahaayeen.

Hore ayey NISA u shaacisay warar noocaan oo kale ah oo aan faahfaahin laga bixin, qaarkoodka shaki laga muujiyey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON