Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay Gacanta ku dhigtay koox ka kooban 5 xubnoodoo ku howlanaa falal amni darro ah in ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.
NISA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay dabagal lagu hayay kooxdan oo ugu danbeyn la qabtay, waxaana sawirradooda lagu baahiyay warbaahinta dowladda, iyadoo aan faahfaahin laga bixin halka laga qabtay iyo magacyadooda.
“Hay’adda NISA ayaa gacanta ku dhigtay Shabakad ka kooban shan xubnood kuwaas oo ku howlanaa falal amni darro, waxana sidoo kale lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo ay Khawaarijtu u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho”. ayaa lagu yiri qoraalka Hay’ada NISA.