Wednesday, September 18, 2024

Hay’adda NISA oo baahisay Sawirrada Dhalinyaro ka tirsan Alshabaab oo Muqdisho lagu qabtay

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa soo faafisay sawirrada afar dhalinyarro ah oo ay sheegay in loo qabtay falal argagixiso oo ay ka abaabulayeen caasimadda Muqdisho.

Xubnahan oo la sheegay inay doonayeen in ay shacabka magaalada muqdisho ku dhibaateeyaan miinooyin ay wadeen, kadibna ay Laamaha Amnigu gacanta ku dhigeen.

“Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxay ku qabteen afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Caasimadda”. ayaa ka mid ahaa farriinta NISA.

Ad

Ma sheegin Hay’adda NISA magacyada, goobta lagu qabtay iyo caddeymaha wixii lagu qabtay, waxayna arrintan imaaneysaa kadib weerarkii Alshabaab dadka badan ku xasuuqeen ee Xeebta Liido.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON