Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa muddo kordhin u sameysay taageerad maaliyadeed iyo kabka miisaaniyadda ee ay siiso dowladda Soomaaliya, kadib codsi loo diray.
Tallaabadan ayaa Soomaaliya usii wadeysa taageerada IMF oo muhiim u ah Miisaaniyadda Soomalaiya, waxaana Barnaamijka ay IMF ku caawiso Soomaaliya uu muddo 3 sano ku kacay $400 milyan oo Dollar, kaasoo waqtigiisu ku ekaa 17-ka May 2022.
Hay’adda IMF ayaa ku qasbaneyd inay joojiso taageerada dhaqaale, haddii xilligas ka hor aan la dooran madaxweyne cusub oo soo dhisa xukuumad heshiiska Maaliyadda sii wada si dib loogu cusbooneysiiyo wejiga saddexaad ee Qorshaha IMF.
Guddiga Fulinta IMF ayaa aqbalay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo ay direen wasiirka Maaliyada iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, kaasoo ku saasana in muddo saddex bilood oo ku eg 17-ka August loogu daro qorshaha.
“Muddo kordhinta waxay waqtiga loo baahan yahay siin doontaa in la xaqiijiyo fahamka siyaasadda dowladda cusub iyo xaqiijinta damaanadda maal-gelinta ee saaxiibada horumarinta,” waxaa sidaas tiri Laura Jaramillo Mayor, oo ah madaxa howlgalka IMF ee Soomaaliya.
Miisaamiyadda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa in ka badan 50% waxaa kaba beesha calaamka oo ay ugu horeysay hay’ada IMF, waxaana hoos udhaca bil kasta uu ggaarayaa in ka badan $10 milyan oo dollar.