Agaasimaha Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF Kristalina Georgieva Agaaismaha ayaa soo dhaweysay horumarka iyo qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo ku dhawaaqday qorshe dhaqaale deynta looga bixinayo Soomaaliya.
Kristalina Georgieva ayaa warsaxaafadeed soo saartay kadib markii Guddiga Fulinta ee Hay’adda IMF ay ansixiyeen xirmada maaliyadeed oo Soomaaliya la siinayo si deynta looga saaro, waxayna qoraalkeeda ku tiri: “Maanta, Guddiga Fulinta Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya..”
Qorshahan ayaa imaanaya kadib dadaal ballaaran oo caalami ah, oo ku saleysan xubinta kaalmooyinka lacageed iyo xaddiga laga helay ilaha gudaha. “Tani waxay muujinaysaa muhiimadda In laga caawiyo Soomaaliya talaabo ay u qaado talaabo u qaadayso in laga caawiyo inay ku soo noqoshada hannaankii caadiga ahaa xiriirka caalamiga ah ee dhinaca dhaqaalaha iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka iyada oo loo marayo qorshaha Deyn-cafinta wadammada faqriga ah ee (HIPC)” ayay tiri Kristalina Georgieva.
Barta go’aan qaadasha hal abuurka deynta Cafinta wadamada faqriga ah (HIPC) wuu bilaabanayaa qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaheenu na siiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta.