Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa qoraal kasoo saartay dib u eegis iyo qiimeyn lagu sameeyay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka samaysay hannaanka dib u habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta dalka.
Warbixinta qiimeynta barnaamijka loo yaqaan ECF ( Extended Credit Facility) ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo Geedi socodka Deyn Cafinta ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo baxday sharuudihii loo dajiyay in lagu hormariyo hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee loo yaqaano ECF kaas oo sidoo kale ah hannaan lagu hago arrimaha Deyn Cafinta.
Guddiga Sare ee IMF waxay sheegay in Soomaaliya ay heli doonto lacag dhan SDR 7 milyan (qiyaastii US$ 8.9 milyan) oo degdeg loo bixinayo, taasoo ka dhigaysa wadarta kharashka Soomaaliya ee hoos yimaada Extended Credit Facility (ECF) iyo Extended Fund Facility (EFF) ilaa SDR 278.4 milyan (qiyaastii US$ 393.2 milyan).
Guddiga Sare ee Hey’adda IMF oo warbixintaan soo saaray ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta dib -u -habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha, waxayna soo jeediyeen in dadaal dheeri ah lagu bixiyo siyaasadda canshuuraha iyo dib – u – habeynta maamulka, oo ay ku jiraan casriyeynta kastamka iyo sharciga cusub ee canshuurta dakhliga.
Guddiga Sare ee IMF waxa ay caddeyeen in waxqabadka barnaamijkane dib-u-habeynta dhaqaalaha uu ahaa mid xooggan, waxayna bogaadiyeen horumarka joogtada ah ee ay Dowladdu ka sameysay Geeddi-Socodka barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC) ee u gogol xaaraya in la gaaro dhammaadka sanadka 2023 ee dhamaystirka Deyn cafinta.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ku saabsan dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.