Saturday, May 17, 2025

Hay’adda Heritage oo 6 Qodob oo tallo ah u jeedisay RW Rooble si loogu guuleysto Shirka Muqdisho

Hay’adda Cilmi Baarista ee Heritage ee fadhigeeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa talooyin u soo jeedisay Ra’iiul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Lix Qodob oo tallo ahaan ay hay’addu ugu jeedisay Rooble, ayaa ka hadlaya sida wadahadal dhab ah uga dhici karaan Shirka wada tashiga Arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

Shirkan oo uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la qorsheeyey inuu maalinta berri ah ka furmo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Waxayna Tallooyinka Hay’adda Heritage kala yihiin:

Ad

Tan kowaad, Raysal wasaaruhu waa in uu xasilooni ka dhex abuuraa hoggaanka sare ee laamaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Qaranka Soomaaliya. Qulqulatooyinkii hubaysnaa ee 25-29 Abriil Muqdisho ka dhacay, waxay inta badan u dhaxeeyeen cutubyo ka wada tirsan ciidanka qaranka Soomaaliyeed, oo la kala saftay dhinacyada siyaasadda.
Taliyeyaal sarsare ayaa mucaaradka garab la noqday, iyaga oo sheegay in ay “difacayaan dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiyadda.” kadib markii uu raysal wasaaruhu dib-u-calin ku sameeyay ciidamada amniga, waxa uu wadashaqayn wayn la sameeyay dhinacyada kala duwan, si uu u soo celiyo kalsoonidii hoggaanka sare ee ciidanka. Hawlaha horyaal Raysalwasaaraha waxaa ka mid ah sidii uu go’aan adag uga qaadan lahaa la dhaqanka taliyeyasha siyaasadeeyay laamaha amniga, ha noqoto in uu beddelo ama meelo kale u wareejiyee. Hayeeshee, marka la eego xaaladda kacsan ee dalku ku jiro, in tallaabooyinkaas lagu dhiirradaa ma aha arrin fudud. Iyada oo aan xal loo helin arrimaha cakiran ee ka dhex jira laamaha amnigana, mudane Rooble way ku adkaan doontaa in uu horseed u noqdo wadaxaajood siyaasadeed oo miro dhal leh.

Labaad, waa in uu raysa lwasaaruhu iska ilaaliyaa in uu dib ugu laabto khaladaadkii hore uga dhacay, marka ay timaaddo magacaabida guddiga doorashooyinka federaalku. Guddigii maammulka doorashooyinka ee khilaafka badan dhaliyay, oo la aamminsan yahay in ay ku yimaaddeen rabitaanka madaxwayne Farmaajo ee uu hore u magacaabay Oktoobar 2020. Qaar ka mid ah guddigaas ayaa ah saraakiil sarsare oo ka tirsan xafiiska madaxwaynaha, iyo ka raysal-wasaaraha, ka mid noqoshadooda guddida doorashooyinkuna waxa ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabi lahaa guddigaas. Raysal wasaaruhu waxa uu haystaa fursad oo uu ku soo dhisi karo guddi cusub oo doorasho, si loo suurtagaliyo in ay xubnahaasi noqdaan kuwo hela kalsoonida dhammaan saammilayda siyaasadda. Nasiib wannaag, Soomaaliya waxaa laga helayaa dad badan oo doorkaas qaadan kara, raysalwasaaruhuna waxa uu si shakhsiyan ah u yaqaannaa dad badan oo kaalintaas buuxin kara. in uu raysalwasaaruhu tallaabadan ku dhiirradaa waxa ay noqonaysaa farriin wayn oo muujinaysa in uu mudane Rooble daacad ka yahay qabsoomidda doorashooyin loo dhanyahay, oo lagu higsanayo doorasho xor iyo xalaal ah. Sidaa oo kale, arrintaasi waxa ay dawladaha Federaalka xubnaha ka ah ku riixi doontaa in ay dhankooda ka magacaabaan guddi ixtiraam ku leh bulshada dhexdeeda, waa haddii uu raysalwasaaruhu jeexo tusaale wanaagsan.

Seddexaad, raysal wasaare Rooble waa in uu dhakhso u xalliyo caqabadaha iyo is-diidooyinka hortaagan guddida doorashada Soomaalilaan. Nasiib wanaag, arrinta Soomaalilaan, way sahlan tahay in la xalliyo marka loo eego kuwa kale, maxaa yeelay, doorkaas waxaa leh R/W kuxigeenkiisa, Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi.
Dhexdhexaadinta labada dhinac,waxa uu R/W Rooble ku cadaadin karaa in ay ku heshiiyaan nidaamka qaacidada, si ay wada jir ugu soo wada magacaabaan guddi masuul ka noqotaa maamulidda doorashada Soomaalilaan. Shaki kuma jiro in hoggaamiyeyaasha arrintani khusaysaa ay leeyihiin karti iyo go’aan ay ku gaaraan heshiis caddaalad ah. Balse marka ay timaaddo goobta codayntu ka dhacayso, waxa ugu habboon, macquulna ah, in la tixgalinayo u nuglaanta cadaadis ay wajihi karaan, haddaba si taas looga hortago waa in xulidda baarlamaanka Soomaalilaan lagu qabto gudaha gagida diyaaradaha ee Muqdisho, amnigoodana loo xil saaro AMISOM.

- Advertisement -

Afraad, maaddaama ay ilaa iyo hadda arrinta Gedo tahay tan ugu adag dhamaan arrimaha miiska saran, raysalwasaaruhu waxa uu door dhexdhexaadineed ka ciyaari karaa xiisadda Gedo. Si ka duwan madaxweynaha, oo dano gaar ah ka leh xaaladda Gedo, loona arko in uu door hoggaamineed ka ciyaaray qotodheerida dhibaatadan, raysalwasaaraha waxa loo arki karaa in uu yahay shaqsi dhexdhexaad ah. Sida ku xusan heshiiska 17 Sebtember, dowladgoboleedyadu waa in ay qabsan karaan doorashooyin u gaar ah. Si kastaba ha noqotee, dhinacyada Jubbaland waxa ay ku qasban yihiin in ay si daacad ah ugu gorgortamaan, oo ay go’aansadaan hannaanka ay u arkaan in ay doorasho uga dhici karto Gedo, iyada oo la waafajinayo tabashooyinka sharciga ah ee bulshada gobolka.

Shanaad, waa in tixgalin gaar ah la siiya waqtiga doorashada lagu qabanayo. Muddadii sharciga ahayd ee masuuliyiinta la doortay waxa ay ku ekayd seddex bilood ka hor, wadahadalada oo sii daba dheereedaana waxa ay horseedi karaan muddo kordhin tuugaaleysi ah, oo aan la shaacinin. Inta lagu guda jiro wadaxaajoodka dhacaya 20-ka bishan Maajo, waa in uu raysalwasaaruhu dejiyaa waqti bartilmaameed ah oo cayiman si ay labada doorasho ee baarlamaanka iyo madaxweynaha ugu qabsoomaan 90 ilaa 120 maalmood gudahood. Markasta oo ay saammilaydu sida uga dhakhsaha badan uga heshiiso doorashooyinka, waxa ay u fiican tahay xasiloonida dalka ee muddada-dheer.

Ugu dambeyn, kaalinta beesha caalamku weli aad ayey muhiim u tahay. Cadaadiska joogtada ah ee ay ku hayaan madaxda Soomaaliya ayaa caawiyay in dib loo furo wada hadallada ka taagan jahwareerka siyaasadeed. Marka la eego, dhexdhexaadinta Midowga Afrika, oo ku timid codsiga madaxweyne Farmaajo, waa in loo oggolaadaa in ay sii socoto.

Go’aankii ay DFS ku diiday ergayga midowga Afrika yaa tilmaan qaldan bixiyey. Marka laga yimaaddo cidda noqonaysa ergayga Midowga Afrika, waxaan shaki ku jirin in saamileeyda siyaasada Soomaaliya ay u baahan doonaan dhexdhexaadin inta wadahadalku socdo. Ku dhowaad 15 sano, Midowga Afrika waxa uu wax badan u huray xasilloonida iyo nabadgalyada Soomaaliya, iyada oo loo marayo Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee loo yaqaanno AMISOM. Ergayga Midawga Afrika ayaa matali kara bulshada caalamka oo dhan, isaga oo wakiil ka noqon kara habsami-socodka wadaxaajoodka doorashooyinka, waa haddii ay codsadaan dhinacyada ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya. Wadaxaajoodyadii hore ee doorashooyinkuna waxa ay bulshada caalamka uga baahdeen dhexdhexaadin.

- Advertisement -

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON