Tuesday, September 17, 2024

Hay’adda Duulista Somaliya oo Akoon Lacagaha loogu shubo ka furatay Imaaraadka iyo Qeylo-dhaan..

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) ayaa Akoon gaara ka furatay Banki ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo uu mas’uul uga yahay qof ajanbi ah si loogu shubo lacagaha kasoo xarooda diyaaradaha mara hawada Soomaaliya.

Qoraalka lagu furay Akoonkan cusub ayaa walaac badan ka abuuray Baraha bulshada iyadoo Warqad lasoo dusiyay oo loo diray Shirkadaha Diyaaradaha ee adeegsada Hawada Soomaaliya si weyn loo faafiyay.

Akoonka cusub ee lagu shubayo Dakhliga Dowladda Soomaaliya uga soo xarooda Duulista Hawada waxaa leh shir la diiwaan geliyay July 18, 2024, NAVPASS SSCAA PPP MANAGEMENT CONSULTING LLC, waxa ay sidoo kale ka diwaan gashanayd Soomaaliya February 22, 2024 (NAVPASS SOMALIA).

Ad

Akoonka waxaa maamulaya nin lagu magacaabo Mr. John Ochieng, oo sida ku cad qoraalka Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka laga xiriiri karo telefoonka +252-61-721-8541.

Siyaasiyiin, xildhibaano iyo Aqoonyahanno ayaa ku biiray dadka arrintan digniinta kasoo saaray, waxayna in arrintan ay noqon karto Musuqmaasuq ay ku kacday Hay’adda Duulista Soomaaliyeed.

Xildhibaan Saadaq C/llaahi Cabdi oo fadhigii Baarlamaanka ee maanta ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda lacagta duulista qabata ay tahay Shirkad Hindi Maafiyo ah oo aan lahayn meel loogu hagaago

- Advertisement -

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan soo saartay amarro lagu faray hay’adaha dowladda inay Dakhliga dowladda kaliya ku shubi karaa Khasnada mideysan ee dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON