Tuesday, September 10, 2024

Hay’adda Duulista oo dib u celisay Diyaarad ka timid Imaaraadka oo ku socotay Hargeysa

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale hawada dalka ka celisay Diyaarad ku socotay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, taasoo kaso duushay magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta.

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Diyaaradda o ahayd nooca xamuulka qaada ay diiday inay faahfaahin ka bixiso xamuulka ay sido, taasoo keentay in Hawada laga celiyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Diyaaradda ay Qalab milateri u siday maamulka Somaliland, waana diyaaradii labaad ee Dowladda Federaalka ay ka ceiiso Hargeysa, kadib diyaarad Itoobiyaan ah oo shalay la celiyay.

Ad

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA HAY’ADDA DUULISTA.

Muqdisho, January, 18, 2024 – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa.

Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON