Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa wargelin ay soo saartay ku sheegtay inay hakisay qabashada codsiyada Baasaboorka ilaa Amar danbe.
Arrintan ayaa sabab looga digay halista sii badatay ee cudurka Covid-19, waxayna joojinta qabashada codsiyada Baasaboorka bilaabaneysaa laga bilaabo Sabtida 27-ka Febraayo 2021.
“Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tixgelineysa badqabka howlwadeenadeeda iyo dadka kalaba, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe” ayaa lagu yiri Wargelinta Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha Soomaaliya.
