Hay’adda Cilmiga Xiddigaha iyo Hawada dalka Suudaan ayaa shaacisay xilliga ay ku beegan tahay dhalashada Bisha Ramadaan ee sanadkan 2018 ama Hijriyadda 1439-ka.
Bayaan ay dhowaan soo saartay Hay’adda ayay ku sheegtay in 16-ka Bishan May 2018 ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, waxayna faahfaahin ka bixisay qaabka arrintan ku dhaceyso.
Hay’adda ayaa caddeysay in socodka dayaxa bisha Shacbaan soo afjarmayo duhurnimada maalinta 15-ka May 2018, markaasoo uu soo dhammaanayo waqtigii uu dayaxa ku wareegayey dhulka oo ay soo gabagabowday bishii Shacbaan.
Markaas ayaa ayaa loo baahan yahay saacado kale si dayaxa cusub uu u noqdo mid lagu arki karo isha bani’aadamka, waxaana dalalka islaamka ee adeegsada cilmiga Xidigiska ay soonkooda bilaabi doonaan 16-ka May, iyadoo weliba dalalka ku sooma aragtida bisha ay sidoo kale arki karaan habeenka talaadada oo Arbacadda 16-ka Bisha ay noqoneyso maalinta koowaad ee Ramadaanka.
Waxaa jira dalal badan oo ku sooma xisaabta iyo cilmiga xiddiga oo leh hay’do go’aamiya xilliga la soomayo, halka dalalka badan ee islaamka ay ku soomaan aragtida caadiga ah ama qalabka loo adeegsado aragga.