Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si rasmi ah u shaacisay inay u taagan tahay xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho ayay ka sheegtay inay u taagan tahay xilka iyadoo aanay jirin cid wadata, waxayna tiri: “Waxaan ahay Alle wate wehel uma baahna ayaan ahay, Alle ayaan ku tiirsanahay…’ ma qabo haba yaraaree cabsi… waxaan kalsooni weyn ku qabaa xildhibaanada Golaha shacabka inay iga aqbali doonaan codsigeyga..”.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka soo jeeda Beesha Shanaad ayaa lagu wadaa inay tartan la gasho dhowr musharax oo uu ugu weyn yahay guddoomiye ku xigeenkii hore Jeylaani Nuur Iikar oo mar labaad doonaya inuu soo laabto.
Khadiija ayaa lagu tilmaamaa inay gacansaar dhow la leedahay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna fursadda ay ku soo bixi karo xoogeysatay markii ay kordheen tirada haweenka ee soo galay Baarlamaanka.
DHAGEYSO
Goobjoooge.com