Haweeneyda ugu da’da weyn xujeyda sanadkan oo martiqaad ka heshay Boqorka Sacuudiga [Sawirro]

0

Xujeyda sanadkan waxaa ka mida haweeney ka timid dalka Indonesia oo da’deedu tahay 104 sano jir.Haweeneydan  oo lagu magacaabo Maryan Marghani Muhammad ayaa ku socota kursiga dadka lagu riixo iyado xaaladeeda caafimaad aanay wanaagsaneyn, waxaana la socda qaar ka mida caruurteeda.

Waxay haweeneydan nasiib u heshay inay ka mid noqoto martida uu casuumay boqortooyada Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis isagoo tixgeliyay xaaladeeda caafimaad, iyadoo ka mid noqon doonta dadka uu sida tooska ah sanad waliba u casuumo boqorka Sacuudiga.

Haweeneydan Maryan Marghani Muhammad ayaa la sheegay inay cimreysatay iyadoo 90 sano jir, haddana ay u suuragashay inay xajka gudato.

Wasaaradda Xajka ee Sacuudiga ayaa haweeneydan si weyn u soo dhoweysay iyadoo xaaladeeda caafimaad lala tacaalay, isla markaana la guddoonsiiyay hadiyado kala duwan.