Wednesday, April 23, 2025

Haweeney meydkeeda laga helay Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho & baaritaan ku socda kiiskeeda.

Faahfaahin dheeraad ahaa ayaa helayaa Haweeney meydkeeda xalay xilli danbe laga helay Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo kiiskeeda ay baaritaan ku hayaan ciidamada denbi baarista Booliska.

Haweeneydan ayaa lagu magacaabi jiray Sumaya Yuusuf Barkhadle, waxaana ay ahayd hooyo leh afar Caruur ah oo agoon ah, iyadoo hore looga dilay ninkeeda oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana saaka Meydkeeda qaaday Hotel ku yaal Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Wararka aya sheegaya Haweeneydaan oo deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole ay tagtay Hotelka arrimo u gaara dartood, kadibna la waayey, halka markii danbe meydkeeda la helay.

Ad

Ciidamada Booliska ayaa hotelka gaaray, waxaana la xiray qaar ka mida maamulka Hotelka, iyadoo meydkeeda la geeyay Isbitaalka Digfeer, iyadoo uu jiro shaki ku saabsan in la sumeeyay haweeneyda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON